Manchester United weli go’aan kama gaarin mustaqbalka Juan Mata

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu aysan wali go’aan ka gaarin mustaqbalka Juan Mata ee Old Trafford.

Kubadsameeyaha ayaa 10 jeer u soo muuqday Red Devils tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku faanay kaliya labo caawin afar kulan oo Premier League ah oo uu ka soo bilaabay kooxda.

Heshiiska Mata ee haatan ayaa dhacaya bisha June laakiin United ayaa ku dari karta karta hal sano oo dheeri ah, inkastoo Solskjaer uu xaqiijiyay in weli wax go’aan ah aan la gaarin.

Solskjaer oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka Man United ee Fulham, Solskjaer ayaa yidhi: “Go’aanka waa mid aad u adag markasta oo aan la joogo Juan, waad ogtahay inuu leeyahay tayo, hadii uu ciyaaro, waxa uu dhaliyaa goolal, waxa uu ku darsaday xilli ciyaareedkan.

“Markale, waxaad haysataa ciyaartoy kale oo iyaguna doorkiisa qaatay. Mason [Greenwood] wuxuu sifiican uga qabtay booskaas iyo Paul [Pogba] hada.

“Juan runti Wuxuu ka mid yahay kuwa aan wadahadalka kula jiro markasta waana adag tahay in laga tago laakiin nasiib daro waa halka ay haatan ku sugan tahay. Wali wax go’aan ah lama gaarin”.

Mata ayaa dhaliyay 50 gool iyo 47 caawin 265 kulan oo uu u ciyaaray Red Devils, halkaasoo uu kula guuleystay hal Europa League, FA Cup iyo hal EFL Cup tan iyo markii uu ka yimid Chelsea 2014.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*