Xiddiga ka tagay kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka hadlay sababtii uu ugu biiray kooxda Bayern Munich .
Mane ayaa ku biiraya Bayern Munich isbuucaan, waxaana uu horey u dhameystiray qaar ka mid ah waraaqaha qeyb ka ah heshiiska suuqa kala iibsiga.
Garabka reer Senegal ayaa qayb muhiim ah ka qaatay guulaha Liverpool lixdii sano ee la soo dhaafay, isagoo kula guuleystay lix koob.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu doonayaa tartan cusub, wuxuuna aaminsan yahay in Bayern ay tahay meesha ugu fiican.
“Markii ugu horeysay ee wakiilkeyga uu ii sheegay xiisaha Bayern, isla markiiba waan ku farxay,” Mane ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Bild .
“Waxaan isla markiiba isku arkay naftayda, aniga ahaan waxay ii ahayd kooxda saxda ah waqtiga saxda ah.
“Waa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka, kooxduna waxay mar walba u dagaalantaa horyaal kasta, marka aniga waxay ii ahayd fikrad aad u wanaagsan iyo go’aan sax ah inaan halkan imaado.”
Mar la weydiiyay sababta uu u qaatay go’aan deg deg ah oo uu ugu biirayo Bayern, Mane wuxuu yiri: “Wakiilkeyga wuxuu ii sheegay inay jiraan su’aalo ka yimid kooxo kale, taasi waa qayb ka mid ah ganacsiga.
“Laakiin waxaan isla markiiba dareemay dareenka markii ay Bayern ii soo bandhigtay qorshaheeda, waxaan isku arkay qorshaha Bayern.