Ad
Weeraryahankii hore ee Liverpool Sadio Mane ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxda.
Mane ayaa Reds ka tagay usbuucan kuna biiray Bayern Munich , isagoo u saxiixay qandaraas uu ugu ciyaaro kooxda Jarmalka sanadaha soo socda.
Ad
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Senegal ayaa kaliya hal sano uga haray qandaraaska uu kula jiro Liverpool , taasoo la micno ah in la gaaray waqtigii kooxdu ay lacag caddaan ah ku heli lahayd.
Wareysi sagootin ah oo uu siiyay shabakada kooxda, Mane ayaa sheegay in Diogo Jota iyo Luis Diaz ay bedeli karaan saameyntiisa kooxda.
“Diogo iyo Diaz sidoo kale – wow , waa labada Xidig ee badali kara booskeyga Kooxda