Sadio Mane ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Mohamed Salah kadib markii uu kaga soo dhaqaaqay Liverpool kuna biiray Bayern Munich .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa ugu biiray Bayern heshiis ku kacaya €41m ka dib lix sano oo uu ku sugnaa Merseyside.
Wax yar ka dib markii heshiiska lagu dhawaaqay, Salah wuxuu qabsaday baraha bulshada si uu ugu mahadceliyo Mane wadashaqeyntii ay ku lahaayeen Anfield.
Masriga ayaa yidhi: “Waxay ahayd cajiib! Waad ku mahadsan tahay dhammaan wakhtiyada wanaagsanaa, waxaanan kuu rajaynayaa wanaag.
Mane ayaa ugu jawaabay: “sii wad hormarkaga walaal adiga ayaa ugu fiican.”
Salah iyo Mane – oo ay weheliyaan Roberto Firmino – waxay samaysteen mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan taariikhda Premier League .