Home Wararka Ciyaaraha Mane oo wada-hadalo kula jira Kooxda Bayern Munich ee Dalka Germany

Mane oo wada-hadalo kula jira Kooxda Bayern Munich ee Dalka Germany

0
Ad

Bayern Munich ayaa ku faraxsan wadahadalada ay kula jirto weeraryahanka Liverpool Sadio Mane .

Xiddiga reer Senegal oo 30 jir ah ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka finalka champions League ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid .

Ad

Laakin ka hor bandhiga soo socda, waxaa la isla dhexmarayaa in Mane uu ka tagi karo Anfield si uu ugu biiro Bundesliga .

Haatan weriyaha Sky Deutschland ee Florian Plettenberg ayaa sheegaya in horumar laga sameeyay wada xaajoodyada u dhexeeya weeraryahanka iyo Bayern Munich ee ku saabsan heshiis suurtagal ah.

Labada madaxa kooxda Jarmalka Hasan Salihamidzic iyo tababare Julian Nagelsmann ayaa isku diyaarinaya inay lumiyaan Robert Lewandowski oo ku biiray Barcelona , ​​waxayna doonayaan inay la soo saxiixdaan “bayaan” ay ku bedelaan weeraryahanka reer Poland.

Labaduba waxay isha ku hayaan inay helaan Mane – oo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga soo aadan Liverpool .

Previous articleReal Madrid oo lala xiriirinayo weeraryahanka Man City Raheem Sterling
Next articleJoan Laporta oo sharraxay dib u dhigista qandaraas cusboonaysiinta Gavi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here