Manor Solomon oo xaqiijiyay inuu xiiseynayo Premier League iyadoo lala xiriirinayo Arsenal

Weeraryahanka Shakhtar Donetsk Manor Solomon ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha Premier League ay xiiseynayaan saxiixiisa.

21 jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay Arsenal , iyadoo agaasimaha farsamada kooxda Ingariiska Edu uu durbaba u maleynayo inuu wadahadal la yeeshay wakiilka ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Pini Zahavi oo ay ka wada hadlayaan mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Solomon ayaa soo jeediyay inay jiraan kooxo dhowr ah oo ka ciyaara Premier League oo xiiseynaya adeegiisa, isla markaana u dhaqaaqista heerka koowaad ee England uu u dhow yahay.

“Waxaa jira wadahadalo aan la yeelanayo kooxo ka socda England,” ayuu Solomon u sheegay Sport5 . “Waxaa jira waxyaabo dhici kara xagaaga. Riyadaydu waa inaan ka ciyaaro England”

Ciyaaryahankii hore ee Maccabi Petah Tikva ayaa dhaliyay shan gool 17 kulan oo uu u saftay Shakhtar intii lagu jiray ololihii 2020-21, halka uu 12 gool u dhaliyay 62 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Ukraine wadar ahaan tan iyo markii uu yimid Janaayo 2019.

Solomon ayaa sidoo kale laba jeer shabaqa soo taabtay Real Madrid wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*