Home Suuqa Kala iibsiga Manuel Ugarte oo ka degay dalka Ingiriiska si uu tijaabada caafimaadka u...

Manuel Ugarte oo ka degay dalka Ingiriiska si uu tijaabada caafimaadka u maro Manchester United.

0

Ugarte ayaa qarka u saaran inuu noqdo saxiixii shanaad ee United suuqa kala iibsiga xagaagan.

Manuel Ugarte ayaa ka degay dalka Ingiriiska si uu tijaabada caafimaadka u maro Manchester United.

Laacibka khadka dhexe ee PSG, oo UK uga soo safray Paris diyaarad khaas ah, ayaa gaaray Manchester goor dambe oo xalay ahayd ka hor inta uusan tijaabada caafimad u marin.

Heshiiska Ugarte ayaa qiimihiisu yahay 42 milyan oo gini iyo 8.4 milyan oo dheeraad ah taasoo ka dhigaysa wadarta qiimaha 50 milyan oo gini.

Ugarte ayaa xilli ciyaareedkii hore kasoo muuqday 37 kulan oo uu u ciyaaray PSG, iyadoo kooxdu ay ku guuleysatay Ligue 1 iyo Coupe de France.

Kahor inta uusan u dhaqaaqin Parc de Princes, wuxuu matalay Sporting Lisbon 85 jeer muddo labo sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here