Home Warar Ciyaaraha Maanta Manuel Ugarte oo Man United ka Maqnaan Doona Kulanka Liverpool

Manuel Ugarte oo Man United ka Maqnaan Doona Kulanka Liverpool

0

Kooxda Man United ayaan wali Buuxda u dhamaystirin Saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte.

Man United ayaa wakhti hore tijaabada caafimaadka marsiisay Ugarte waxana uu ku dhaw yahay in uu noqdo xiddig Man United ah.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Uruguay ayaa lau soo waramayaa in aanu diyaar u noqon doonin in uu ka qayb ahaado kulanka Liverpool.

Waxa la dhaafay wakhtigii ay ahayd in la diwaan galiyo xiddiga si uu uga qayb noqdo kulanka Liverpool ee Axada.

Sidaas darteed xiddiga ayaa ka maqnaan doona kulanka adag ee ay kooxdiisa cusub la ciyaari doonto Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here