Home Warar Ciyaaraha Maanta Marc-Andre ter Stegen oo la xaqiijiyey inay xilli-ciyaareedkan uga dhamaatay

Marc-Andre ter Stegen oo la xaqiijiyey inay xilli-ciyaareedkan uga dhamaatay

0

Marc-Andre ter Stegen ayaa la xaqiijiyey inay xilli-ciyaareedkan uga dhamaatay oo aanu dib ugu soo laaban doonin garoomada illaa laga gaadhayo kulamada ugu dambeeya, waxaana la sheegay in ay kooxdiisa Barcelona hadda ka fiirsanayso inay la saxeexato goolhaye kale.

Goolhayaha reer Germany ayaa isaga oo kor u booday si aan dheelli-tirnayn dhulka ugu soo dhacay intii ay socotay ciyaartii ay kooxdiisu xalay 5-1 kaga adkaatay Villarreal, waxaana garoonka laga dhax-qaaday waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Barcelona wali ma aanay xaqiijinin muddada uu maqnaan doono Marc-Andre ter Stegen, hase yeeshee wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in uu xilli-ciyaareedka oo dhan jiifi doono.

Isniinta maanta iyo Salaasada ayaa lagu ogaan doonaa muddada rasmiga ah, hase yeeshee Barcelona ayaa waxa ay durba raadinaysaa goolhaye kale oo buuxiya booskaas, maadaama aanay kalsooni badan ku qabin Inaki Pena oo ah goolhayaha labaad oo xalayba beddel kusoo galay markii uu baxay Ter Stegen.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in Inaki Pena uu sii ahaan doono goolhayaha kooxda illaa laga gaadhayo bisha January, waqtigaasna ay kooxdu la saxeexan doonto goolhaye kale oo noqon doona dookha koowaad ee tababare Hansi Flick illaa inta uu garoomada kusoo laabanayo Marc-Andre ter Stegen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here