Home Suuqa Kala iibsiga Marc Guiu Oo Shaaciyay Sababta Uu Uga Tagay Barcelona una aaday Biiray...

Marc Guiu Oo Shaaciyay Sababta Uu Uga Tagay Barcelona una aaday Biiray Chelsea.

0

Marc Guiu ayaa xagaagan ka tagay Barcelona kuna biiray Chelsea isagoo 18 jir ah, isagoo mar horeba u saftay kooxda reer Spain, laakiin wuxuu sheegay inay ahayd ‘fursad cajiib ah’ inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

18-sano jirkaan ayaa kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay Barca bishii October ee sanadkii hore, waxaana uu dhaliyay labo gool 7 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Chelsea ayaa xiddiga kula soo wareegtay lacag dhan 5 milyan oo euro waxana uu ciyaaray kulamadii kooxda ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Guiu ayaa sheegay in ay ku adkayd in uu iska diido fursadii ay chelsea u soo bandhigtay.

“Mar walba waxaan ku riyoon jiray inaan ka ciyaaro Premier League, Chelsea waa koox weyn oo taariikh badan leh,” ayuu yiri.

“Waxa uu ahaa go’aan adag laakiin waxa ay ahayd fursad cajiib ah, marka waa in aan go’aansado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here