Home Wararka Ciyaaraha Marcos Alonso oo macsalaameeyay shaqaalaha Chelsea ka hor inta uusan u dhaqaaqin...

Marcos Alonso oo macsalaameeyay shaqaalaha Chelsea ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona

0
Ad

Marcos Alonso ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Barcelona ka dib markii uu macsalaameeyay shaqaalaha Chelsea .

31 jirkaan ayaa bartilmaameed u ahaa Barcelona xagaagan isaga iyo saaxiibkiisa Chelsea Cesar Azpilicueta .

Ad

Iyadoo Azpilicueta la filayo inuu baaqi kusii ahaado Stamford Bridge, saxiixa Marc Cucurella ee Brighton & Hove Albion ayaa albaabka u furay bixitaan Alonso.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Alonso ayaa mar hore macsalaameeyay shaqaalaha xarunta tababarka Chelsea ee Cobham ka hor u dhaqaaqista Barcelona, ​​kaasoo la dhameyn karo isbuucaan.

Isbaanishka – oo horey heshiis shaqsi ah ula gaaray kooxda La Liga – ayaa la filayaa inuu u saxiixo qandaraas labo sano ah Camp Nou.

Inkastoo la soo wareegida Alonso uu dhow yahay, Barcelona ayaa laga yaabaa inay iibiso ciyaartoy ka hor inta aysan diiwaan gelin daafaca bidix ka dib markii La Liga ay dhawaan diiday isku daygoodii ahaa inay diwaan geliyaan saxiixyadooda xagaaga.

 

 

 

 

Previous articleCesc Fabregas oo ku booriyay saaxiibkiisi Lionel Messi inuu ku laabto Camp Nou.
Next articleXiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong oo iyo wakiilkiisa oo khilaaf soo kala dhexgalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here