Marcus Rashford oo go’an ka qaatay ka tagista Kooxda Manchester United

Marcus Rashford ayaa Mudnaan siinaya inuu sii joogo Manchester United , iyadoo la siinayo dammaanad qaadka waqtiga ciyaarta, sida uu qabo saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo sumcadiisa intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo kaliya dhaliyay shan gool iyo labo caawin 32 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Horyaalka Premier League, Rashford waxa uu leeyahay afar gool iyo laba caawiye 25 kulan oo uu saftay, halka uu beddelka aan la isticmaalin ku soo galay Brentford Isniintii ka dib markii uu ku dhibtooday Chelsea isbuucii hore.

Mustaqbalka 24-sano jirkaan ayaa bilihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay, iyadoo kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Arsenal iyo Paris Saint-Germain la sheegay inay xiiseynayaan saxiixiisa.

Qandaraaska Rashford ee Old Trafford ayaa dhacaya xagaaga soo socda, inkastoo kooxdu ay fursad u leedahay inay hal sano oo dheeri ah ku kordhiso, taasoo ku sii hayn karta kooxda ilaa June 2024.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*