Marcus Rashford ayaa mar kale u ciyaaray Manchester United ciyaartii ay 3-0 kaga badiyeen Nottingham Forest, halkaas oo uu gool ka dhaliyay iyo caawinaad ka dib markii la geeyay booska weerarka ee garabka bidix.
Marcus Rashford ayaa si maldahan u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka sii ciyaaro dhanka bidix ee weerarka seddex geesoodka ah ee Manchester United ka dib markii uu soo bandhigay ciyaar Cajiib ah.
Rashford, oo 25 jir ah, ayaa daqiiqadii 19-aad hogaanka u dhiibay kooxda Erik ten Hag ka hor inta uusan afar daqiiqo ka dib caawin Anthony Martial . Ciyaaryahan Fred ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda United.
Ten Hag ayaa qayb weyn ka qaatay in Rashford uu dib u soo ceshado qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa tan iyo markii uu yimid Old Trafford:
Rashford goolkii uu ka dhaliyay Forest waxay la macno tahay inuu labo Jibaaro Goolasha uu dhaliyay Xili Ciyaareedkii hore.
Isagoo Ciyaarta kadib la hadlay warbaahinta ayuu si Maldahan u sheegay sida uu ugu Qanacsanyahay Booskiisa Cusub.