Marcus Rashford oo ogaaday go’aanka England ka dib wadahadalo gaar ah oo uu la yeeshay Thomas Tuchel.
Weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford, ayaa mar kale laga reebay safkii ugu dambeeyay ee England, laakiin wuxuu la xiriiray tababaraha cusub ee xulka, Thomas Tuchel.
Waxaa la sheegayaa in Thomas Tuchel uu ku qanciyay Marcus Rashford in uu ku jiro qorshihiisa England kadib marka uu xilka la wareego.
Rashford, oo 27 jir ah, ayaa la kulmay xilli ciyaareed adag, waxaana markii dambe laga reebay kooxdii aadday final-ka Euro 2024 xagaagii hore ee uu tababare Gareth Southgate hogaaminayay.
Wargeyska The Sun ayaa faahfaahiyay wadahadallada Rashford iyo Tuchel, isagoo yiri: “Tuchel ayaa xiriir la sameeyay Marcus iyo wakiiladiisa wuxuuna u sheegay in uu u arko Marcus inuu yahay qayb muhiim ah oo ka tirsan xulka England.”
“Waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in Rashford qeyb weyn ka qaato weerarka xulka England. Tuchel wuxuu sheegay in la’aantiis, England aysan lahayn weerar xoogan, taasoo ka dhigaysa inay sahlan tahay in la dooqdo.”