Mariano Diaz oo ku wargeliyay Real Madrid rabitaankiisa inuu ka tago.

Mariano Diaz ayaa lagu soo waramayaa in uu u sheegay kooxda Real Madrid in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si uu u helo boos joogto ah.

28 jirkaan ayaa kaliya 11 kulan u saftay Los Blancos intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay kaliya hal gool iyo hal caawin intii lagu jiray olole niyad jab leh.

Weeraryahanka ayaa la dhibtoonayay dhibaatooyin dhaawac intii lagu jiray xilli ciyaareedka, laakiin waxa uu ku lug lahaa afar ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga ee ololahan.

Mariano ma uusan ciyaarin finalkii Champions League ee Liverpool waxaana la rumeysan yahay in loo sheegay inuu mar kale ku dhibtoon doono bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay Marca , weeraryahanka dhexe ayaa u cadeeyay Real Madrid inuu doonayo inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*