Weeraryahanka Real Madrid Mariano Diaz ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu sii joogo kooxda xagaagan inkasta oo lala xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda.
Tan iyo markii uu ku soo laabtay Los Blancos 2018, Mariano wuxuu ku dhibtooday inuu ciyaaro, isagoo ku soo bilowday 11 kulan oo La Liga ah afartii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.
Iyadoo 29-sano jirkaan uu u muuqday mid hoos u dhac ku yimid heerka sarre ee Santiago Bernabeu, rajada laga qabay ayaa aheyd inuu koox cusub helo xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , Mariano ayaa doonaya inuu sii joogo Real Madrid oo uu arko sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa.
Weeraryahanka – oo xagaagii hore lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Valencia – diyaar uma aha inuu bixiyo €4.5m (£3.8) mushaarkiisa, iyadoo aysan jirin koox kale oo diyaar u ah inay bixiso lacag la mid ah.