Mark Lawrenson oo saadaal ka bixiyay kulamada Prermier League ee Todobaadkan

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan BBC Sport ee Mark Lawrenson oo sidoo kale ah xiddigii hore ee Liverpool ayaa sidii looga bartay dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo Usbuucii 20-aad caawa bilaabmayo.

Toddobaadkan ayay jiraan kulamo badan oo muhiim ah waxaana ugu xamaasad badan midka ay Liverpool booqan doonto dhigeeda Tottenham iyadoo markale ay Jurgen Klopp iyo Jose Mourinho is arki doonaan.

Aan ku bilawnee kooxda weyn ee uu Lawrenson guusha u diiday ayaa ah Arsenal oo caawa markale booqanaysa Southampton oo Sabtidii ka cidhib tirtay FA Cup waxaana uu aaminsan yahay inay Saints markii labaad afar maalmood gudahood meel saari doonaan Gunners.

Mark Lawrenson ayaa guul raaxo leh u saadaaliyay Manchester City oo u tagaysa kooxda kaalmaha horyaalka looga hadho ku jirta ee West Bromwich Albion iyagoo haddii ay guuleystaan hoggaanka sii qaban doona.

Kooxda wakhtiga kala guurka ah ku jirta ee Chelsea oo shalay caydhisay tababare Frank Lampard isla markaana qarka u saaran inay tababare Thomas Tuchel magacawdo ayuu Lawro qabaa inay guul 2-1 ah ka gaadhi doonto Wolves oo soo booqanaysa.

Sidoo kale Lawrenson ayaa guul u saadaaliyay Man United oo soo dhawayn doonta kooxda ugu hoosaysa horyaalka ee Sheffield United.

Ugu dambayn kulanka adag ee u dhaxayn doona Spurs vs Reds ayuu qabaa in bar-bardhac lagu kala bixi doono iyadoo labada kooxood ay min hal dhibic kala qaadan doonaan.

Saadaasha Lawrenson Ee Toddobaadka 20-aad ee PL Oo Dhammaystiran

Crystal Palace 1-1 West Ham United

Newcastle United 0-2 Leeds United

Southampton 2-1 Arsenal

West Bromwich 0-3 Man City

Burnley 1-1 Aston Villa

Chelsea 2-1 Wolves

Brighton 2-0 Fulham

Everton 2-0 Leicester City

Man United 2-0 Sheffield United

Tottenham 1-1 Liverpool

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*