Home Wararka Ciyaaraha Maanta Mark Lawrenson oo saadaal ka bixiyay Kulanka Leicester City v Liverpool FC

Mark Lawrenson oo saadaal ka bixiyay Kulanka Leicester City v Liverpool FC

0

Mark Lawrenson ayaa taageeraya Liverpool FC isagoo saadaaliyay dhibic barbardhac 1-1 ah ay la galeen Leicester City garoonka King Power Stadium Maanta.

Kooxda difaacaneysa Premier League ayaa guuldarro 4-1 ka soo gaartay kooxda haatan hogaamineysa Manchester City ee Anfield isbuucii hore ka dib goolal ay dhaliyeen Ilkay Gundogan, Raheem Sterling iyo Phil Foden.

Liverpool FC ayaa laga badiyay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League taasoo ka dhigeysa in kooxda Jurgen Klopp ay ku jirto kaalinta afaraad isla markaana ay 10 dhibcood ka hooseyso Manchester City.

Inkastoo Reds laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee Anfield, kooxda ka dhisan Merseyside ayaa badisay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here