Home Falanqeynta Kulamada Mark Lawrenson oo shaaca ka qaaday saadaashiisa Tottenham v Chelsea FC

Mark Lawrenson oo shaaca ka qaaday saadaashiisa Tottenham v Chelsea FC

0

Mark Lawrenson ayaa sadaal ka bixiyay kulanka kooxaha Tottenham Hotspur iyo Chelsea FC isagoo cadeeyay in ciyaarta ku dhamaaneyso barbaro 1-1 ah..

Chelsea FC ayaa kulankaan ciyaareysa iyagoo cusub ka dib markii ay soo gaareen guushoodii ugu horeysay ee tababaraha cusub Thomas Tuchel ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Burnley isbuucaan.

Blues ayaa haatan isha ku heysa inay soo xirto natiijooyin wax ku ool ah iyagoo doonaya inay kor u qaadaan miiska kala sarreynta Premier League isla markaana ay dib ugu soo laabtaan loolanka loogu jiro hanashada horyaalka.

Dhanka kale Spurs ayaa doonaysa in ay ka soo kabato laba guuldaro oo xiriir ah oo ka soo gaadhay premier League.

Lilywhites ayaa la kulantay guuldarro 3-1 ah oo ka soo gaartay Liverpool FC Khamiistii la soo dhaafay ka hor inta aysan u dhicin guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Brighton iyo Hove Albion dhammaadkii usbuuca.

Kooxda waqooyiga London ka dhisan ayaa haatan rajeyneysa inay soo kabsato markii ay la ciyaarayaan Chelsea FC garoonkooda habeenka Khamiista.

Si kastaba ha noqotee, xiddigii hore ee Liverpool FC Lawrenson ayaa taageeraya labada dhinac si ay u wadaagaan qasaarooyinka barbaraha 1-1 ee bartamihii isbuucaan.

Lawrenson oo qoraya joornaalkiisa BBC Sport , ayaa yiri: “Tani waa tijaabadii ugu weyneyd ee Thomas Tuchel ilaa iyo inta uu tababaraha u yahay Chelsea, xitaa iyadoo Tottenham ay ku jirto qaab ciyaareed liita.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here