Marseille ayaa lagu soo waramayaa inay dalab amaah ah kula soo saxiixaneyso daafaca bidix ee Arsenal Nuno Tavares xilli ciyaareedka 2022-23.
22 jirkaan ayaa Emirates ka yimid xagaagii hore Benfica wuxuuna soo gabagabeeyay sanadkiisii ugu horeeyay ee Arsenal isagoo dhaliyay hal gool iyo labo caawin 28 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Tavares ayaa 22 kulan u saftay Premier League intii lagu guda jiray dhaawacii Kieran Tierney uu ku soo bilowday 13 ka mid ah wuxuuna dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kooxda Man United.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ee 21 jirada ayaa lagu dhaleeceeyay qaar ka mid ah qaab ciyaareedkii difaaceed ee hoos u dhacay, waxaana si xasuus leh loo saaray qeybtii hore ee wareega seddexaad ee FA Cup ee Gunners ay guuldaro kala kulantay Nottingham Forest.
Iyadoo Tierney uu qarka u saaran yahay inuu ka soo laabto dhaawaca bilowga xilli ciyaareedka cusub, Arsenal ayaa la sheegay inay ka fiirsaneyso suurtagalnimada inay amaah ugu dhaqaaqdo meel kale Tavares.