Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa ku amaanay Aaron Ramsdale qaabkii uu uga fal celiyay in keyd loo geliyay David Raya kulankii ay ka badiyeen Everton Axadii.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa boos joogta ah ka heystay Gunners xilli ciyaareedkii hore, isagoo ku soo bilowday dhammaan 38-kii kulan ee Premier League, wuxuu sidoo kale ku soo bilowday afartii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin waxa uu kursiga keydka ku jiray kulankii Axadii ay 1-0 kaga badiyeen Everton waxaana bedelkiisa ku soo bilowday saxiixii xagaaga ee David Raya, iyadoo tababare Mikel Arteta uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu isku shaandheyn doono labadiisa goolhaye, islamarkaana aysan jirin goolhaye koowaad.
Arteta ayaa lagu dhaleeceeyay go’aankiisa laakiin Odegaard wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay ‘nasiib ku leeyihiin’ inay heystaan laba goolhaye oo aad u wanaagsan, wuxuuna sheegay in Ramsdale uu si wanaagsan uga fal celiyay go’aanka.
“Waxaan u maleynayaa inuu si adag u shaqeyn doono, sida uu had iyo jeer sameeyo,” Odegaard ayaa u sheegay saxafiyiinta markii la weydiiyay sida Ramsdale uu uga jawaabi doono inuu waayay booskiisa.
“Maanta [Axad] waxa uu keydka ku sugnaa isaga oo na taageeraya, na farxinaya, na caawinaya. Waa qof aad u wanaagsan, wuxuuna muujiyay jawaab aad u wanaagsan maanta isagoo taageeraya kooxda. Waxay ahayd wax fiican uu sameeyay.
‘Waxaan heysanaa labo goolhaye oo wanaagsan, waxaana ka dhaxeeyatartan weyn. Waxay leeyihiin tayo kala duwan.
“Labadaba aad ayey ugu fiican yihiin kubad dhisida iyo ilaalinta goolka. Markaa, waxaanu nasiib u yeelanay inaanu haysano laba goolhaye oo sidan u fiican, waana arki doonaa cida ciyaarta.”