Martin Odegaard oo loo magacaabay kabtanka cusub ee Arsenal

Arsenal ayaa kabtankeeda u magacawday Martin Odegaard ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Alexandre Lacazette – oo xagaagan ku biiray Lyon – ayaa si ku meel gaar ah loogu doortay inuu noqdo kabtanka Arsenal ka dib markii Pierre-Emerick Aubameyang laga xayuubiyay kabtanimada sannadkii hore ka hor inta uusan kooxda ka tagin Barcelona bishii Janaayo.

Ka dib markii uu isticmaalay xilli ciyaareedka ka hor si uu u tixgeliyo go’aan kalr, Mikel Arteta ayaa doortay Odegaard inuu noqdo kabtanka cusub ee Arsenal xilli ciyaareedka soo socda.

23-jirka ayaa hadda la wareegi doona mas’uuliyadda kabtanimada kooxda iyo dalka, isagoo ahaa kabtanka Norway tan iyo bishii Maarso 2021.

Odegaard oo la hadlayay website-ka Arsenal ka dib markii ay 6-0 kaga badiyeen Sevilla, ayaa yiri: “Dabcan waan ku faraxsanahay, ku faanay, ugana mahadcelinayaa kalsoonida iyo isaga oo doonaya inaan noqdo kabtanka.

“Taasi waxay ii tahay guul weyn, wayna ii fiican tahay inaan ka mid noqdo koox wanaagsan, sidaas darteed waan ku raaxaysan doonaa midaas”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*