Martin Odegaard ayaa qarka u saaran inuu ka soo laabto dhaawac bisha soo socota inkastoo la sheegayo in kabtanka Arsenal uu dhaawac soo gaaray.
Kabtanka Gunners ayaa dhaawaca soo gaaray isagoo gudanaya waajibaadka qarankiisa Norway bishii September.
Mikel Arteta ayaa markii dambe xaqiijiyay in khadka dhexe uu ka soo gaaray ‘dhaawac weyn oo canqowga ah’.
Waxa jirtay rajo ah in Odegaard uu ku soo laaban karo garoomada dhamaadka bishan ama horaanta November iyada oo ciyaartoyga laftiisu uu soo bandhigay warbixin dhiirigelin ah qoraalada barnaamijkiisa sabtida ee kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Southampton.
Sida laga soo xigtay Sky Sporty, Odegaard ayaa la filayaa in uu soo laabto bisha November.
Odegaard ma uusan ciyaarin tan iyo barbarihii 1-1 ay la galeen Brighton dhamaadkii August isagoo seegay todobadii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.