Home Warka Xiisaha Leh Martin Odegaard oo tilmaamay xiddigaha kooxdiisa qaybta ka ah ee sida gaarka...

Martin Odegaard oo tilmaamay xiddigaha kooxdiisa qaybta ka ah ee sida gaarka ah muhiimada weyn ugu leh inay ku guuleystaan horyaalka Premier League

0
Ad

Kabtanka kooxda Arsenal ee Martin Odegaard ayaa tilmaamay xiddigaha kooxdiisa qaybta ka ah ee sida gaarka ah muhiimada weyn ugu leh inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha uu Odegaard tilmaamay ayaa ah weeraryahanka dhexe ee Gabriel Jesus iyo daafaca bidxi ee Oleksandr Zinchenko oo labaduba suuqii xagaaga kaga yimid dhinaca Manchester City.

Ad

Sababta uu Odegaard ugu xushay Zinchenko iyo Jesus ayaa ah inay leeyihiin khibrad weyn oo guuleed isla markaana ay garanayaan waxa loo baahan yahay sida Premier League loo hanto.

Jesus ayaan Arsenal kulan Premier League ah ugu soo bilaaban tan iyo November sababtoo ah dhaawac jilibka ah balse waxa lagu wadaa inuu qayb ka noqdo shaxda Crystal Palace ay ku wajahayaan galabta.

Odegaard oo ka hadlaya muhiimada Zinny iyo Jesus ayaa yidhi “Gabriel korodhsiimo cajiib ah ayuu safka kooxda markale u yahay”.

“Isagu wax badan ayuu tababarka ku bixiyaa maalin kasta, wuu yimaadaa wuxuuna u tababartaa sida inay kulan caadi ah tahay, waxkasta wuu bixiyaa xaalad kasta sidaas darteed waa wax wanaagsan inaanu dib u helno”.

“Dabcan wuxuu joogay Manchester City wax ayuuna halkaas ugu soo guuleystay sidaas darteed khibrad ayuu nagu caawin karaa iyo tamartiisa sidoo kale”.

“(Ciyaartoydii hore ee City) waxay soo kordhiyaan fikir ka duwan kuwa kale, waxay leeyihiin khibrad waana la dhagaystaa marka ay hadlaan”.

Previous articleMan United Oo Xiddig Kale Oo Aan Osimahen Ahayn Ka Doonaysa Napoli
Next articleManchester United iyo Liverpool oo war fiican ka helay ceyrsashadooda xiddiga Chelsea Mason Mount.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here