Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Martin Odegaard ayaa u safray Norway ka hor labo kulan oo ay ciyaari doonaan kulamada caalamiga ah.
Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid ayaa dib ugu soo laabtay garoonka ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray habeenkii Arbacada, markaasoo uu ciyaaray daqiiqadihii ugu dambeeyay ee guuldaradii Champions League ee ka soo gaartay Inter Milan.
Kabtanka Arsenal ayaa caawiye ka noqday goolkii ay kooxdiisu dhalisay kulankii Chelsea kulan ka tirsanaa premier League.
Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu ka soo muuqday laba kulan waxa lagu soo daray xiddiga Liiska xiddigaha xulkiisa.
Waxaa la fahamsan yahay in Odegaard lagu qiimeyn doono anqawga caasimadda Norway ka hor inta aan go’aan kama dambays ah laga gaarin in uu ciyaari karo xiddigu.