Home Horyaalka Italy Martinez oo xaqiijiyey inuu heshiis cusub la gelayo Inter milan

Martinez oo xaqiijiyey inuu heshiis cusub la gelayo Inter milan

0

Weeraryahanka reer Argentina Lautaro Martinez ayaa sheegay inuu wadahadalo hordhac ah la leeyahay kooxda Inter oo ku saabsan xiriir cusub oo uu la leeyahay kooxda Serie A Weeraryahanka Inter Lautaro Martinez ayaa sheegay inuu wadahadalo horumarsan la leeyahay kooxda oo heshiis cusub.

Heshiiska haatan jira xidiga xulka Argentina ma dhamaan doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkii 2022-23, laakiin waxaa lala xiriiriyay inuu ka tago Inter milan

Martinez ayaa dhaliyay 41 gool wuxuuna caawiyey 12 caawin 112 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Racing Club bishii July 2018.

Isaga oo ka hadlaya ka dib guushii ay Inter 4-0 kaga gaartay Benevento Sabtidii, Martinez wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay mustaqbalkiisa Nerazzurri Martinez ayaa u sheegay DAZN, markii la weydiiyay hadii uu ku dhow yahay inuu heshiis la saxiixdo ilaa 2024.

Waan ku faraxsanahay Inter, qof walba si wanaagsan ayuu iila dhaqmayaa.

Martinez ayaa soo gabagabeeyay afar kulan oo Serie A ah oo aan wax gool ah laga dhalinin Benevento iyadoo guushu ay xaqiijisay in kooxda Antonio Conte ay cadaadiska ku sii hayaan hogaamiyaasha Milan 23-jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu lumiyay fursado badan oo ciyaarta ah madaama  14 kulan oo uu saftay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here