Home Warka Xiisaha Leh Mason Greenwood oo ka tegay Manchester United una wareegay horyaalka waddanka Spain...

Mason Greenwood oo ka tegay Manchester United una wareegay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga

0

Xiddiga reer England ee Mason Greenwood ayaa ka tegay Manchester United, waxaana uu u wareegay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo uu heshiis sannad ah u saxeexatay naadiga Getafe, iyadoo Manchester United ogolaatay inuu heshiis amaah ah ku baxo, maadaama uu qandaraaska ay kula jirto soconayo illaa sannadak 2025.

Waxa Manchester United kasoo afjarantay xurguftii ku abuurantay markii ay go’aansatay inay dib usoo celiso Greenwood, waxaana hadda la filayaa in sannadka amaahda ah ee uu ku tegay Getafe uu laacibkani dib ugu dhisto xirfaddiisa ay dhaawaca weyn gaadhsiisay eedayntii sababta xadhiga ee ahaa inuu kufsaday gabadh, isla markaana tacaddiyo uu u geystay.

21 jirkan oo bishii February ay maxkamaddu laashay dacwaddii loo haytay, ayaa waxa war-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United ay ku xaqiijisay inuu u wareegay Getafe, waxaana lagu yidhi: “Mason Greenwood waxa uu heshiis amaah sannad ah ku tegay kooxda LaLiga ee Getafe FC.

“Waxa uu bixitaankiisu awood u siin doonaa inuu dib ugu dhisto xirfaddiisa meel ka baxsan Manchester United. Kooxdu waxay taageero la garab taagnaan doontaa Mason iyo qoyskiisa waqtiga adag ee kala-guurka.”

Mason Greenwood oo la filayay inuu tago kooxda Lazio ayaa waqti dambe uu burburay heshiiskiisu, waxaana sidoo kale aan guuleysanin filasho ahayd inuu tago kooxda reer Turkey ee Besiktas.

Previous articleArsenal oo macasalaamaysay difaac muddo siddeed sannadood ah joogay Emirates Stadium oo ugu dambayntii ka degay koox kale oo horyaalka Premier League ah
Next articleLuis de la Fuente oo soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee kulamada isreeb-reebka Euro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here