Home Warka Xiisaha Leh Mason Mount oo aan u ciyaari doonin xulka qaranka England kulamada isreeb-reebka...

Mason Mount oo aan u ciyaari doonin xulka qaranka England kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee toddobaadk adambe

0

Mason Mount ayaan u ciyaari doonin xulka qaranka England kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee toddobaadk adambe, inkasta oo uu qayb ka yahay xulka uu tababare Graham Potter u yeedhay toddobaadkan.

Tababare Sotuhgate ayaa sheegay in aanu ka saari doonin xulka qarankiisa England kubbad-sameeyahan, inkasta oo ay tahay xulashadiisii koowaad ee uu sameeyo tan iyo Koobkii Adduunka ee ay wareegga siddeedda kaga hadheen.

Ivan Toney oo qaab fiican ku jira ayaa uu Southagate ugu yeedhay xulka, isaga oo ka reebay Raheem Sterling, Alexander-Arnold iyo Ben White, laakiin waxay taageereyaashu la yaabeen sababta uu ugu soo daray Harry Maguire oo kursiga kaydka u fadhiya Manchester United, isla markaana ugu yeedhay Mason Mount oo dhaawac ku maqnaa toddobaadyadii ugu dambeeyey.

Waxa kale oo Mason Mount dhaawaca u dheer, in uu lumiyey qaab ciyareedkiisii fiicnaa oo aanu boos joogto ah ka haysanin Chelsea iyadoo xataa la gaadhsiiyey in kulamada qaarkood aanu ka mid noqon liiska kooxda.

Tababare Graham Potter oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in Mount aanu u ciyaari doonin xulka qaranka England ee lagu daray sababtoo ah waa dhawac, waxaanu yidhi: “Raheem Sterling waxa laga yaabaa in dhaawaca muruga looga tegay. Ma aha mid halis ah mana seegi doono ciyaaraha toddobaadka dambe iyo kuwa caalamiga ahba.

“Mason Mount isagu waa uu dhaawacan yahay, umana ciyaari doono xulka England.”

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah 18-ka Maarso
Next articleBarcelona oo heshay war ka nixiyey ka hor ciyaarta adag ee ay beri ku martigelin doonaan Real Madrid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here