Massimiliano Allegri oo dagaal kulul la galay isaga iyo lix ciyaaryahan oo Juventus ah”

Massimiliano Allegri ayaa lagu soo waramayaa inuu ku lug lahaa muran isaga iyo lix ka mid ah ciyaartoydiisa Juventus dhamaadkii Isbuucaan.

Allegri ayaa niyad jab ku bilaawday waayihiisa labaad ee Turin iyadoo Juventus ay aruursatay 15 dhibcood kaliya 11kii kulan ee furitaanka horyaalka Seria A.

Guuldaradii ugu dambeysay waxay ka soo gaartay Hellas Verona, 2-1 ayaa ka dhigeysa in kooxda Allegri ay hoos u dhacday booska 9-aad iyagoo 16 dhibcood ka dambeeya Napoli oo hogaanka heysa.

Sida laga soo xigtay Football Italia , niyad jab ayaa yimid ka dib ciyaarta Allegri oo aan ku faraxsanayn khadka dhexe iyo weerarka.

Warbixintu waxa ay sheegeysa in muran kulul uu dhex maray Adrien Rabiot , Dejan Kulusevski , Rodrigo Bentancur , Alvaro Morata , Moise Kean iyo Arthur .

Juve ayaa sidoo kale guuldarro ka soo gaartay Sassuolo horaantii isbuucaan, kooxda reer Talyaani ayaa haatan guul gaarin seddex kulan oo gudaha ah ka hor kulanka Talaadada ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Zenit St Petersburg.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*