Home Warar Ciyaaraha Maanta Matthijs de Ligt aoo beeniyay wararka sheegaya inuu ku biiray Manchester United

Matthijs de Ligt aoo beeniyay wararka sheegaya inuu ku biiray Manchester United

0

Matthijs de Ligt ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku biiray Manchester United si uu ula midoobo tababare Erik ten Hag.

Daafaca ayaa dhamaystiray ku biiristiisa Red Devils intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo ka tagay kooxda Bayern Munich kadib laba sano oo uu ku sugnaa Germnay.

De Ligt ayaa horay ula soo shaqeeyay Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag wakhtigii Ajax.

Tan ilaa markii uu noqday tababaraha Man United Erik Ten Hag ayaa wajahay dhaleecayn ah in uu kaliya doonayo in uu la soo saxiixdo xiddigihiisii hore ee Ajax.

Si kasta ha ahaatee De Ligt ayaa sheegay in uu jeclaaday mashruuca Man United isla markaas ahayd sababtii uu ugu biiray ee uuna Ten Hag sabab u ahayn ku biiristiisa Man United.

“Waan la qabsaday Man United, waan ku raaxaysanayaa”ayuu De Ligt yidhi.

“Erik Ten Hag ma ahan sababta ugu weyn ee aan ugu soo biiray Man United, waxa aan ka hadlaynaa Man United, waana mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here