Home Suuqa Kala iibsiga Matthijs de Ligt oo Ka Hadlay Ku Biiristiisa Man United.

Matthijs de Ligt oo Ka Hadlay Ku Biiristiisa Man United.

0

Manchester United ayaa xalay waxay ku dhawaaqday saxiixa daafaca reer Netherlands ee Matthijs de Ligt kaasi oo uga yimid kooxda Bayern Munich.

De Ligt ayaa markii lasoo bandhigay ka hadlay dareenkiisa ku aadan ku biirista Man United.

Isla markii aan maqlay in Manchester United ay i rabto, waxaan dareemay farxad ku saabsan fursadda loolan cusub ee koox taariikhi ah,” ayuu yiri De Ligt.

“Wadahadaladii xigay, waxaan aad ula dhacay aragtida hoggaanka kubbadda cagta ay dejiyeen, iyo doorka ay ii arkaan.

“Erik ten Hag waxa uu qaabeeyey marxaladihii hore ee xirfadayda, marka waxa uu garanayaa sida ugu wanagsan ee aan uga faa’iidaysan karo, mana sugi karo in aan mar kale la shaqeeyo.

Waan ogahay waxa loo baahan yahay si aan ugu guuleysto heerka ugu sarreeya, waxaana go’aansaday inaan sii wato rikoorkaas kooxdan gaarka ah.”

Dhambaal sagootin ah oo uu u diray taageerayaasha Bayern Munich, De Ligt wuxuu sheegay in bixitaankiisu uu ahaa “qaraar”.

Wuxuu yiri: “Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof walba iyo qof kasta oo idinka mid ah dhammaan jacaylka iyo taageeradiina.

Waxaan ku qaatay laba sano oo cajiib ah oo aan u ciyaarayay kooxdan quruxda badan. Sharaf ayey ii aheyd inaan u soo ciyaaray koox sida Bayern Munich oo kale ah.

Wuxuu ku daray: “Waxaan mar walba xasuusan doonaa jacaylka iyo taageerada aan ka helay ciyaartoyda, xubnaha shaqaalaha iyo taageerayaasha.

Codsigii dhawaa ee ay saxiixeen in badan oo idinka mid ah aad buu ii taabtay.” ayuu yiri daafaca.

United ayaa sidoo kale xalay shaacisay heshiiska daafaca midig ee reer Morocco Mazraoui kaasi oo isagana kaga soo biiray Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here