Mauricio Pochettino oo diyaar u ah inuu qabto shaqada Manchester United ee Banaan

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda reer Franceisla isla markaana uu si deg deg ah uqabto shaqada kooxda Man United .

Tan iyo markii uu joogay Tottenham Hotspur, xiddiga reer Argentina ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Red Devils, wararka xanta ah ayaa sii xoogeystay tan iyo bixitaankii Ole Gunnar Solskjaer Axadii.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Pochettino ayaa diyaar u ah inuu isaga tago Paris si degdeg ah haddii madaxda Old Trafford ay u soo bandhigaan shaqada.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Michael Carrick ayaa si ku meel gaar ah u sii haya Red Devils, ka dib markii Solskjaer uu ka tagay kooxda oo fadhiistay kaalinta sideedaad ee kala sareynta horyaalka Ingiriiska, isagoo badiyay kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu danbeysay.

Tan iyo markii uu yimid Paris xilli ciyaareedkii hore, Pochettino waxa uu la wareegay 53 kulan, isagoo kormeeray 37 guul iyo qaaditaanka Coupe de France wakhtigaas halka ay haatan ku hayaan 11 dhibcood hogaanka Ligue 1.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*