Mauricio Pochettino oo soo gaaray Magaalada Manchester Xili lala Xiriirinayo kooxda Red Devils

Photo/Reuters

Macalinka kooxda PSG Mauricio Pochettino ayaa ka dagay garoonka Diyaaradaha ee Manchester xili lala xiriirinayo kooxda Manchester United.

Safarkiisa hada ayaa ka duwan Xanta Suuqa ee ku saabsan isaga madama uu hogaaminayo kooxda PSG.

Macalinka ayaa durba shaaca ka qaaday inuu xiiseenayo hogaaminta kooxda Manchester United uu u arko fursad muhiim ah.

Dhoor tabare ayaa durba shaqadaasi lala xiriirinayaa waxana hogaaminaya Mauricio Pochettino iyo Zidane iyadoo zidane uu durba iska fogeeyay shaqadaasi.

Warbaahinta qaarkood ayaana safarka ku tilmaamay mid fursad siin kara kooxda Manchester United si wada-hadalka hordhiciisa loo bilaabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*