Home Horyaalka Ingiriiska Maxaa ka Cusub Saxiixa Arsenal ee Martin Odegaard.

Maxaa ka Cusub Saxiixa Arsenal ee Martin Odegaard.

0
Photo by JORGE GUERRERO/AFP via Getty Images)

Arsenal ayaa u muuqata inay qarka u saaran tahay inay heshiis amaah ah kula soowareegto Martin Odegaard oo ka tirsan Real Madrid .

22 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Emirates Stadium maalmihii la soo dhaafay, inkastoo Real Sociedad , oo amaah ku heysay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kale lagu sheegay inay xiiseynayaan.

Arsenal ayaa loo maleynayay inay wajaheyso dagaal si ay ugu guuleysato saxiixiisa, laakiin tababaraha Sociedad Imanol Alguacil ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisu aysan ku jirin loolanka loogu jiro weeraryahanka.

Odegaard ayaa dhaliyay toddobo gool, sagaalna wuu caawiyey 36 kulan oo uu u saftay Real xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan ku laaban Bernabeu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here