Maxaa ka Cusub wadahadalada Qandaraas kordhinta ee u dhaxeeya Fernandes iyo Man Utd

Bruno Fernandes ayaa weli wadahadalo qandaraas cusub ah kula jira Manchester United .

Qandaraaskii United ee xidigan ayaa ku eg 2025, maamulka ayaa doonaya inay kor u qaadaan heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ka dib 18 bilood uu kooxda la joogay isagoo noqday xidigaha ugu muhiimsan kooxda..

United ayaa u soo bandhigaysaa hal sano oo dheeri ah ilaa 2026, oo ay ku jiri doonto mushahar kordhin aad u weyn.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Talyaaniga Fabrizio Romano ayaa werinaya in Fernandes iyo United ay sii wadaan wadahadalada, kuwaas oo socday tan iyo xagaagii.

Caqabad ayaa soo baxday usbuucii la soo dhaafay, iyadoo wakiilkiisu uu ku adkeysanayo in qodobka iibsiga lagu daro qorshaha cusub. Si kastaba ha ahaatee, Romano ayaa sheegay in wadahadalada la sii wado.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*