Chelsea badanaa waxay isticmaashaa akadeemiyadeeda, iyo nidaamka amaahda, iyadoo Xidiga qaar ay kasoo muuqdeen garoonka Stamford Bridge ku dhowaad 30 ciyaar yahan ayaana kasoo baxay Akadeemiyada kuwaasi oo ku biiray kooxaha koowaad tobankii sano ee la soo dhaafay.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, 29 ciyaaryahan ayaa ka soo baxay akadeemiyada Chelsea si ay ugu soo baxaan safka koowaad ee Blues.
Mason Mount iyo Reece James ayaa si joogto ah xilli ciyaareedkan ula joogay Blues tan iyo markii ay yaraayeen.
Laakiin waxaa jira kuwa kale oo badan oo aan mar dambe isaga tagay Stamford Bridge inkastoo ay rajo ka qabaan inay ku soo bilowdaan xirfadooda ciyaareed.
warbaahinta Daily Star Sport ayaa dib u eegeysa tobankii sano ee la soo dhaafay Xidigaha ee ka qalin jabiyay akadeemiyada Chelsea kuwaasi oo qaar ku sugan kooxda kuwana iskaga tagay kooxda.