Maxaa kala Socotaa Aguero Iyo 30-ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Sida Xorta Ah Uga Tegi Doona Kooxahooda Xagaagan

Xiddigo waaweyn ayaa si bilaash ah uga tegi doono kooxahooda dhamaadka xili ciyaareedkan, kuwaas oo qaarkood haddaba lasii ogyahay in aanay heshiisyada u kordhin doonin naadiyadooda, halka qaarkoodna rajo laga qabo inay saxeexi doonaan qandaraasyo ay kula sii joogi doonaan kooxahooda.

Dhamaadka xili ciyaareedkan ayay isku diyaarinayaan kooxo waaweyni inay si bilaash ah ku helaan xiddigo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Luka Modric iyo Sergio Ramos oo intuba si xor ah uga bixi kara Camp Nou iyo Santiago Bernabeu marka uu soo dhamaado xili ciyaareedkan socda.

Laakiin labada dambe ayaa wali aan afkooda laga haynin inay ka tegayaan Real Madrid, halka uu Lionel Messi hore usii sheegay inay tahay sannadkiisii ugu dambeeyey ee Barcelona.

Kooxaha ay ciyaaryahannadani ka tirsan yihiin ayay iskugu darsami doontaa laba dhibaato ama khasaare haddii ay ciyaartoydani ka tagaan. Midda hore ayaa waxay tahay inay ka bixi doonaan xiddigo ay u baahan yihiin oo laf-dhabar u ah iyo midda labaad oo ah in iyagoon shilin lacag ah ka helin ay waayayaan laacibiin tiir dhexaad u ah.

Shabakadda Transfermarkt ayaa waxay soo saartay 30ka xiddig ee ugu qiimaha sarreeya waqtigan ee sida xorta ah uga tegi karaya kooxahooda dhamaadka xili ciyaareedkan haddii aanay inta ka horreysa saxeexin heshiis cusub.

Lionel Messi oo uu qiimaha uu suuqa ka taagan yahay waqtigan uu yahay £90 milyan oo Gini ayaa kaalinta koowaad ku jira, waxaana labaad soo cidhiidhsaday David Alaba oo £58.5 milyan oo Gini ka taagan suuqa iibka ciyaartoyga waqtigan.

Kaalinta saddexaad waxa soo galay goolhayaha AC Milan ee Gianluigi Donnarumma oo £54 milyan oo gini uu qiimihiisu waqtigan taagan yahay, dhamaadka xili ciyaareedkanna xor ka noqon doona AC Milan.

Halkan kaga bogo 30ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan ee sida xorta ah uga bixi kara naadiyadooda:

1. Lionel Messi (£90m)

2. David Alaba (£58.5m)

3. Gianluigi Donnarumma (£54m)

4. Memphis Depay (£40.5m)

5. Sergio Aguero (£37.8m)

6. Georginio Wijnaldum (£36m)

7= Florian Thauvin (£28.8m)

7= Angel Di Maria (£28.8m)

9. Hakan Calhanoglu (£27m)

10. Arkadiusz Milik (£24.3m)

11. Julian Draxler (£21.6m)

12= Eric Garcia (£18m)

12= Riqui Puig (£18m)

12= Moussa Marega (£18m)

12= Henrikh Mkhitaryan (£18m)

16= Otavio (£16.2m)

16= Nikola Maksimovic (£16.2m)

18. Juan Bernat (£14.4m)

19= Jesse Lingard (£12.6m)

19= Sergio Ramos (£12.6m)

19= Elseid Hysaj (£12.6m)

22= Fabian Schar (£11.7m)

22= Josh King (£11.7m)

24= Nicolas De La Cruz (£10.8m)

24= Sebastian Driussi (£10.8m)

24= Demarai Gray (£10.8m)

24= Michail Antonio (£10.8m)

24= Shkodran Mustafi (£10.8m)

24= Edinson Cavani (£10.8m)

24= Jerome Boateng (£10.8m)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*