Home Wararka Ciyaaraha Maanta Maxaa kala socotaa Lix Xidig oo Weyn kuwaasi oo Liverpool uga maqan...

Maxaa kala socotaa Lix Xidig oo Weyn kuwaasi oo Liverpool uga maqan dhaawac iyo Waqtiga ay soo laabanayaan

0

Liverpool ayaa dhaawacyo cusub ay soo gaareen ka dib guushii ay xalay ka gaareen Tottenham iyadoo liiska dhaawacyada ay ku soo biireen Joel Matip iyo Fabinho.

Waxay taasi ka dhigeysa in Liverpool ay ku sii fogaatay mashaqada ka heysata daafaca iyadoo Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ay dhaawacyo culus ku maqan yihiin.

Jordan Henderson iyo Nat Phillips ayaa booska daafaca ka dheelay qeybtii labaad ee kulankii xalay iyadoo Rhys Williams uu yahay daafaca kaliya ee kursiga keydka fadhiya.

Xaalad fiican uma ah Jurgen Klopp kaasoo ay xiddigo badan dhaawacyo kaga maqan yihiin oo ay ku jiraan Diogo Jota, Naby Keita iyo haatan Fabinho iyo Matip.

Laakiin goormee la filayaa inay soo laabtaan?

Joel Matip – Lama Oga

Waa xilli hore in la ogaado waqtiga uu soo laabanayo daafaca reer Cameroon kaasoo la bixiyay waqtigii nasashada ee kulankii Spurs, laakiin waxaa laga baqayaa in dhaawaciisa uu halis yahay.

Fabinho – West Ham Inuu Dheelo Ayaa La Filayaa

War wanaagsan ayay heleen taageerayaasha Liverpool ka dib markii Klopp uu yahay in kaliya feejignaan uu Fabinho uga reebay shaxda kulankii xalay ee Tottenham.

Naby Keita – Lama Oga

Ciyaaryahan kale oo waayihiisa ciyaareed ee Liverpool ay jahwareeriyeen dhaawacyo, Keita ma uusan u dheelin Reds tan iyo kulankii ay 7-0 kaga badiyeen Crystal Palace bishii December.

Diogo Jota – Horaanta Febraayo

Ka dib markii uu si wacdarro leh ku bilowday waayihiisa Anfield, Jota ayaa dhaawac ahaan tan iyo bilowgii December laakiin wuxuu qarka u saaran yahay inuu soo laabto.

Joe Gomez – Dhamaadka Xilli Ciyaareedka

Xiddiga Ingariiska ayaa qaliin looga sameeyay jilibka ka dib markii uu ku soo dhaawacmay waajibaad qaran.

Waqti dhab ah looma qabanin soo kabsashadiisa laakiin rajo ayaa laga qabaa inuu qeyb ka dheeli doono xilli ciyaareedkan.

Virgil van Dijk – Xagaaga

Ka dib markii uu dhaawac halis ah soo gaaray, Van Dijk ayaa maqnaanaya inta ka harsan xilli ciyaareedka, kooxda ma dooneyso inay waqti u qabato soo kabsashadiisa madaama dhaawaca soo gaaray uu yahay midka ugu xun ee ciyaaryahan soo gaara.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here