Maxaa Kala Socotaa Rikoorka uu Haaland ka Jabiyay Luis Suarez Kulankii Xalay

Photo/Getty Image

Xidiga Reer Manchester City ayaa Xalay dhigay rikoor kale oo Cusub kulankiisa Champion League-ga oo uu dhaliyay labo Gool.

Rikoorka ayuu ka qaaday Luis Suarez oo horay u heestay isagoo dhaliyay 28 gool kadib 21 kulan uu ciyaaray Champion League-ga guud ahaan kooxaha uu lasoo saftay.

Taariikh ahaan Luis Suarez ayaa dhaliyay 27 gool waxayna ku qaadatay 52 kulan isagoo u soo ciyaaray dhoor kooxood.

Dhawaan ayay aheyd markii Haaland uu jabiyay rikoor ay heesteen Xidigaha Lionel Messi iyo Ronaldo waxana la filayaa inuu jabin karo kuwa kale madama ay da’diisa tahay mid aad u yar.

Haaland oo Sanadkan ku soo biiray Manchester City ayaa durba hogaaminaya Gool dhalinta Horyaalka Premier league-ga waxana uu ka horeeya dhoor kooxood marka leesku daro goolashooda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*