Maxaa ku soo kordhatay Dhibaatada Barcelona ka heysata Diiwaangalinta Ferran Torres

Barcelona ayaa ku rajo weyn in ay Ferran Torres u diwaan gelisay horyaalka La Liga.

Iyadoo Philippe Coutinho uu u dhaqaaqayo Aston Villa , waxa ay u fasaxday boos ka mid ah miisaaniyada mushaharkooda si ay Torres ugu soo daraan kooxda.

Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in Barca ay maanta jabinayso tirooyinka si ay u eegaan haddii ay jirto boos ku filan oo ay ku qaadan karaan Torres mushaarkooda.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedka kooxda, bixitaanka Coutinho waxay ka dhigan tahay inuu badbaadiyay 7 milyan oo Yuuro, si kastaba ha ahaatee waxaa la fahamsan yahay in Barca ay weli u baahan tahay inay soo iibiso ciyaartoy badan si ay ugu habboonaato mushaharka Torres.

Samuel Umtiti , Luuk de Jong , Yusuf Demir iyo Neto ayaa sidoo kale la filayaa inay baxaan bishaan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*