Maxaa ku soo kordhay: Arsenal iyo Wararka Suuqa kala iibsiga ee Bisha January

Mar kale ku soo dhawaada Warbixinta Maxaa ku soo kordhay oo aan maalin walbo ku soo qaadano mid kamid ah Kooxaha ugu weyn Kubada Cagta iyo Wararkeeda Suuqa waxaa kaloo ku soo qaadanaa wararka kale ee Kooxdaaasi laga qoray.

Maxaa ku so kordhay Arsenal

Martin Odegaard

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa magacaabay boosaska Martin Odegaard uu ka ciyaari karo ka dib markii uu amaah uga keenay ciyaaryahankan kooxdA Real Madrid

Hibs Josh Doig

Labada Kooxood ee Arsenal iyo Chelsea ayaa xiiseynaya Hibs Josh Doig oo daafaca ka ciyaara una dhashay Scotland waxana labada kooxood maamulkooda bilaabeen xiriirka kooxda  Hibernian FC si ay u helaan daafacan da’da yar.

Brahim Diaz

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay dib ugu yeerto Brahim Diaz, oo ku sugan Manchester City, si ay ugu bedesho wiilka cusub ee Arsenal Martin Odegaard, sida laga soo xigtay Don Balon .

Mustafi

Xiddiga Arsenal ee Mustafi ayaa loo magacaabay saxiix ahaan booska dhexe ee daafaca ee Liverpool u baahan tahay inay eegto kadib markii kulankii ugu danbeeyay ay kooxda heshay dhaawacyo cusub oo daafaca ah.

Ainsley Maitland-Niles

West Brom ayaa rajeyneysa inay heshiis amaah ah kula wareegto da ‘yarka Arsenal Ainsley Maitland-Niles inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay The Athletic .

The Athletic ayaa aaminsan in West Brom ay dooneyso inay u soo bandhigto fursadaas, iyadoo ay jiraan afar kooxood oo kale sida Leicester City.

Willian

Xulushada ka socota Arsenal kulamadii ugu danbeeyay ee lagu doortay wiilashada yar yar ayaa keentay in Xaalada ku sii huriso Willian iyo kuwa lamid ah iyadoo taasi ay keeni karto in xidigan uu kooxda ka tago.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*