Maxaa ku soo kordhay: Chelsea iyo Wararka Suuqa kala iibsiga Bisha June, Haaland iyo Xidigaha kale

ku soo dhawaada xubinta maxaa ku soo kordhay kooxdaada oo aan maanta ku soo qaadaneyno kooxda Chelsea iyo Wararka Suuqa kala iibsiga bisha June.

Todobaadkan Xubinta Maxaa ku soo kordhay waxaa kaga hadleen kooxaha Horyaalka ingariiska kuwooda ugu waaweyn iyadoo shalay aan ku soo qaadaney man United maanta waxaan eegeynaa Chelsea oo kaalinta 3aad ka gashay horyaalka.

Saul Niguez

Sida laga soo xigtay wargeysyada  Daily Star , bartilmaameedka Chelsea Saul Niguez ayaa lagu heli karaa qiimo jaban. Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay aqbasho dalabyada ku dhow 40 milyan oo ginni. Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xaalada oo dhan.

Thomas Tuchel Iyo Timo Werner

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel iyo weeraryahan Timo Werner ayaa labaduba rumeysan in Erling Haaland uu saameyn togan ku yeelan karo qaab ciyaareedkiisa garoonka Stamford Bridge, sida ay wararku sheegayaan. Chelsea ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inay u dhaqaaqeyso saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund Haaland iyadoo Tuchel uu doonayo inuu xoojiyo safkiisa xagaagan waxana labadan shaqsi isku raaceen keenistiisa.

Achraf Hakimi

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab ka gudbisay daafaca midig ee kooxda Inter Milan Achraf Hakimi kaasi oo horay u shaaciyay joogitaankiisa InterMilan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports , Chelsea ayaa ku dadaalaysa sidii ay ugu guuleysan laheyd saxiixa Hakimi gaar ahaan dalabkiisa 56.1million.

Pierre Ekwah

West Ham ayaa dhameystirtay saxiixa da ‘yarka Chelsea Pierre Ekwah. Xiddiga caalamiga ah ee reer France, oo 19 jir ah, ayaa dhawaan tijaabada u maray Hammers, Heshiiska ayaa la filayaa inuu ku kaco ilaa £ 1.2m.

Romelu Lukaku

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa taageere weyn u ah Romelu Lukaku wuxuuna jeclaan lahaa inuu dib ugu soo celiyo weeraryahanka Inter Milan kooxda, sida ay sheegayaan wararka.

Ka dib markii uu amaah ugu soo ciyaaray West Brom iyo Everton, wuxuu si joogta ah ugu biiray 2014 wuxuuna ku riyaaqay seddex xilli ciyaareed oo guulo leh isagoo ah ciyaaryahan waqti buuxa u ah kooxda Toffees.

Achraf Hakimi iyo mar kale

Goor sii horreysay maanta, waxaan ka soo qaadnay warbixin ka timid Sky Italia , taasoo sharraxday inay Chelsea ‘xiiso aad u xoog badan’ u qabto Achraf Hakimi.

Waxaa sidoo kale la sharaxay in Blues ay diyaar u tahay inay ku darto Emerson Palmieri iyo Andreas Christensen si ay qeyb uga noqdaan heshiiska ay kula soo wareegayaan ciyaaryahanka Inter Milan.

Erling Braut Haaland

Sida laga soo xigtay wargeysyada Mirror , Erling Haaland ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo inuu u dhaqaaqo Chelsea. Blues ayaa la fahamsan yahay inay hogaamineyso loolanka loogu jiro xiddiga Borussia Dortmund. Laakiin waxay u badan tahay inay la soo saxiixdaan sannadka dambe marka qandaraaskiisa lagu burburin karo.

Callum Hudson-Odoi

Kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay lacag kaash ah ku bixiso garabka Callum Hudson-Odoi xagaagan, iyadoo xiiseyneysa Bayern Munich .

20 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda heysata horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kuwaasoo laga soo diiday afar dalab, iyadoo kii ugu dambeeyay la rumeysan yahay inuu gaarayo 35 milyan ginni.

Guud ahaan waa naga intaasi xubinta Maxaa ku soo kordhay Kooxdaada ee Ciyaaro.com kala socotaan maalin kasta qeybta Bari iyo Kooxda Liverpool oo Horyaalka ka gashay kaalinta 4aad.

U gaar ah Warbixintan Ciyaaro.com

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*