Maxaa ku soo kordhay Heshiiska Chelsea kula soo wareegeyso Lucas Digne

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wali go’aansanin inay la kulanto Qiimaha Everton ee ah 30 milyan ginni ku qiimaysay Lucas Digne .

Laacibka reer France ayaa u sheegay Toffees inuu doonayo inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, kooxo dhowr ah oo ay ku jirto Chelsea ayaa loo arkaa inay xiiseynayaan.

Blues ayaa la rumeysan yahay inay u aqoonsatay 28-sano jirkaan inuu yahay saxiixii ugu fiicnaa ee bartamaha xilli ciyaareedka, isagoo ku waayay Ben Chilwell inta ka dhiman ololahan dhaawac.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay talkSPORT , kooxda heysata Koobka Yurub ayaan weli hubin inay la kulmi doonaan 30 milyan ginni oo Everton ay ku dooneyso daafaca bidix.

West Ham United iyo Aston Villa ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay xiiseynayaan, laakiin Newcastle United ayaa lagu Xamanayaa inaysan kula tartamin saxiixiisa inkastoo dhawaan la isla dhexmarayay.

Digne ayaa 15 kulan u saftay kooxda Rafael Benitez intii lagu jiray ololihii 2021-22 laakiin uma ciyaarin kooxda Merseyside tan iyo bilowgii December.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*