Maxaa ku soo kordhay? Juventus iyo Wararka Suuqa kala iibsiga Bisha January

Mar kale ku soo dhawaada Warbixinta Maxaa ku soo kordhay oo aan maalin walbo ku soo qaadano mid kamid ah Kooxaha ugu weyn Kubada Cagta iyo Wararkeeda Suuqa waxaa kaloo ku soo qaadanaa wararka kale ee Kooxdaaasi laga qoray.

Maxaa ku so kordhay Juventus

Sergio Ramos

Sergio Ramos ayaa la dhibtoonaya inuu heshiis la gaaro Real Madrid oo ku saabsan qandaraas cusub, waxaana laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Juventus.

Xiddiga reer Spain ayaa ka mid ah daafacyada ugu fiican Laliga kooxda Juventus ayaa si weyn uga faa, iidaysan doonta hadii ay lasoo wareegto.

Fichajes.net ayaa sheegeysa in Bianconeri ay heegan gelisay suurtagalnimada inuusan cusbooneysiin doonin qandaraaskiisa haatan ee Madrid Ronald ayaana la sheegay in Juventus uu ka caawin karo keenista Ramos.

Eduardo Camavinga

Juventus ayaa kula dagaalameysa Real Madrid saxiixa Eduardo Camavinga, kaasi oo soo bandhigay kubado feecan xagaagan qeybtiisa hore

18 jirkaan reer France ayaa u ciyaara kooxda Rennes labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ka dib markii uu ku biiray kooxda 1-aad.

Waxaa isha ku haya kooxo yar oo Yurub ah, Juve ayaana dooneysa inay ku garaacdo tartanka saxiixiisa.

Badalka Paulo Dybala

Dhaawaca Paulo Dybala ee kulankii Sassuolo ayaa ku qasbi kara Juventus inay ku laabato suuqa kala iibsiga, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Bianconeri ayaa durbaba ka fikireysa inay weeraryahan kale ku darto kooxdooda marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Waxay ku tiirsanaayeen Alvaro Morata iyo Cristiano Ronaldo inbadan oo kamid ah goolashooda, iyadoo Dybala uu kufashilmay inuu qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa qeybtii hore ee xilli ciyaareedkaan soo bandhigo.

Nicolás González

AC Milan ayaa isha ku heysa weeraryahanka Stuttgart Nicolás González, laakiin ma ahan kooxda kaliya ee isha ku heysa Kooxda Juventus ayaa sidoo kale xiiseeneysa.

FOX Sports Argentina (oo soo  xiganeysa MilanNews ) ayaa xagaagii la soo dhaafay soo warisay in  Rossoneri ay u soo bandhigtay dalab la taaban karo oo ku  aadan weeraryahanka da’da yar, halka  Transfermarkt ay  sidoo kale xaqiijisay in Milan ay qeyb ka tahay liiska dheer ee kooxaha xiiseynaya.

Paul Pogba

Paul Pogba ayaa qarka u saaran inuu ka tago Old Trafford suuqa kala iibsiga xagaaga iyadoo Juventus , Real Madrid , iyo haatan Paris Saint-Germain ay xiiseyneyso. Manchester United oo ka warheyso xiisaha Xidigan ee ah in uu tago ayaa dul-dhigtay lacagta lagu heli karo .

Stefan Savic

Andrea Pirlo ayaa si cad ugu qanacsanayn goolka jilicsan ee Juventus laga dhaliyay waxana laga yaabaa in tababaruhu uu raadinayo xoojinta daafaca kooxdiisa.

Inkasta oo ay tahay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee macallinnimada, tababaraha reer Talyaani ayaa la filayaa inuu mar kale ku guuleysto horyaalnimada kooxda wuxuuna u baahan doonaa dhammaan caawimaadda uu heli karo.

Bianconeri sanado badan waxay ku tiirsaneyd Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini oo daafaca ka ciyaara, laakiin Chiellini wuxuu la dhibtoonayay dhaawacyo inta badan xilli ciyaareedkan, Calciomercato ayaa sheegay inay taasi ku qasbi karto Juve inay xal u hesho suuqa kala iibsiga iyagoo liiskooda lagu arkay Stefan Savic.

Maxaa ku soo kordhay Kooxdaada maanta waanaga intaasi

Hadii Aad dooneyso Kooxda xigta ee aan soo qaadaneyno Fadlan Hoos ku soo qor

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*