Home Maxaa ku soo kordhay Maxaa ku Soo Kordhay: Liverpool oo war kasoo saartay Saxiixa Salah, Arsenal...

Maxaa ku Soo Kordhay: Liverpool oo war kasoo saartay Saxiixa Salah, Arsenal oo Qorshe kale ka damacsan Ozil iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada xubinta maxaa ku soo kordhay oo aan ku eegno Xaalada iyo Wararka ugu hadalheynta Badan ciyaaraha ee Suuqa ama khilaafka markaasi ka dhex-taagan kooxaha.

Maxaa ku soo kordhay?

Mahamed Salah

Kooxda Liverpool oo maanta ka hadashey xaalada Xidiga Salah ayaa sheegtay in aysan xiligan ku dag dageynin Heshiiiskiisa madama uu heesto labo sano oo ka harsan Qandaraaskiisa.

Sheekada Cusub ayaa markale dib u soo celineysa hadal heynta Salah ee dhanka suuqa kala iibsiga kadib markii uu dhawaan sheegay in uu ku faraxsan yahay ku biirista mid kamid ah kooxaha Spain.

Xidiga Reer Masar ayaa saameyn xoogan ku leh Liverpool lakin waxaa jirta khilaaf iyo isfahan dhanka kooxda ah sida uu isagaba ka dhawaajiyay.

Ozil

Kooxda Arsenal ayaa sheeko cusub kasoo saartay Xidiga Ozil oo wada-hadal kula jira kooxda ka dhisan Turkiga ee Fenerbahce kaasi oo sanadkii ugu danbeeyay aanan u ciyaarin kooxda.

Gunners ayaa dooneysa inay iibsadaan inta ka dhigan qandaraaska xidigan kadib markii ay ku dhibaatoodeen sheekada Ozil oo dhoor mar soo laalaabatay.

Ozil ayaa laga saaray liiska xidigaha kooxda ee sanadkii 2020 lakin taasi badalkeeda waxa uu go’ansaday in uu dhameesto inta ka dhigan heshiiska uga haray kooxda.

Wali wax wada-hadalka kasoo baxay ma jiro lakin waxaa loo badinayaa in Ozil uusan arintaasi aqbaleynin.

Lampard

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa lagu waramayaa in loo gudbiyay liiska shan tababare oo u tartamaya inay bedelaan Frank Lampard.

Chelsea ayaa laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Premier League taasoo dhaawac weyn u geysatay hamigoodii horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in macalinka Southampton Ralph Hasenhuttl inuu ka mid yahay musharaxiinta ay Blues isha ku heyso.

Tababaraha LB Leipzig Julian Nagelsmann ayaa isna u tartamaya shaqadaan waana tababaraha labaad ee haatan shaqo heysta ee ka soo muuqday liiskan.

Ninkii uu ka bedelay shaqada Leipzig ee Ralf Rangnick ayaa ka mid ah magacyada loo gudbiyay Abramovich.

Si la mid ah Thomas Tuchel oo ay ceyrisay Paris Saint-Germain bishii December.

Macalinkii hore ee Juventus Massimilliano Allegri oo ay shaqo ugu danbeysay markii uu ka tagay Marwada Duqda ah sannadkii 2019 ayaa dhameystiraya magacyada shanta tababare.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here