Maxaa ku soo kordhay: Manchester United iyo Wararka Suuqa kala iibsiga Bisha June

ku soo dhawaada xubinta maxaa ku soo kordhay kooxdaada oo aan maanta ku soo qaadaneyno kooxda Manchester United iyo Wararka Suuqa kala iibsiga bisha June.

Todobaadkan Xubinta Maxaa ku soo kordhay waxaa kaga hadleen kooxaha Horyaalka ingariiska kuwooda ugu waaweyn iyadoo shalay aan ku soo qaadaney man city maanta waxaan eegeynaa man united oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka.

Ben White

kooxda Brighton ayaa u sheegtay kooxaha xiiseenaya xidiga ben white in ay bixiyaan 50 milyan si ay u helaan xidigan oo 23 sano jir ah kaasi oo hada lagu daray xidigaha Euro u matalaya England.

Kooxaha badan ayaa xiiseenaya Ben White lakin kooxda Manchester United ayaa liiska ugu horeysa.

Cristian Romero

Manchester United ayaa laga diiday dalab ay u gudbisay kooxda Atalanta ka dib markii ay 39 milyan oo ginni ka gudbiyeen Cristian Romero.

Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa raadineysa daafac dhexe xagaagan, 23 jirkaan reer Argentina ayaa qaab ciyaareed sarre soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

James Garne

Madaxdaa Manchester United ayaa go’aan ka gaaraya amaahda James Garner ee Nottingham Forest ka hor go’aanka suuqa kala iibsiga madama xidigan uu kooxdaasi ku soo bandhigay kubad heer saro ah mudada uu amaahda uga maqnaa kooxda Red Devils.

Shan Ciyaaryahan oo kooxda Man United lasoo wareegi karto

xidgigaha kala ah Jadon Sancho, Kieran Trippier Pau Torres, Saul Niguez, Cristiano Ronaldo ayay u badantahay in kooxda Manchester United ay lasoo wareegto suuqa kala iibsiga ee xagaagan waxana dhici karta in qaarkood lagu arko garoonka Old Traford.

Raphael Varane 

kooxda Manchester United ayaa jeebka gacanta galineysa waxana Xidiga Reer France ee Varane siineysa mushahar aysan bixin karin kooxda Real Madrid taasi oo keeneysa in uu xidigan iska xaadiriyo kooxda Manchester United.

Raphael Varane ayaa uu ku jiraa liiska kooxda Manchester United qeybta ugu sareesa marka la eego baahida kooxda.

Josh Feeney

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diiwaan galisay xiisaha ay u qabto xidiga Josh Feeney.

16 sano jirkaan ayaa hogaaminaya xulka dhalinyarada England.

 Jadon Sancho

Sida laga soo xigtay Times , Red Devils ayaa haatan laga yaabaa inay la soo saxiixdaan Sancho qiimo dhimis ku dhow 80 milyan ginni, inkastoo tani ay u badan tahay inay u egtahay £ 100 milyan oo dheeri ah oo xidigan ku baxeysa.

Tom Heaton

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, saxiixa United ee Tom Heaton ayaa hadda umuuqda mid rasmi ah laakiin, Football Insider ayaa sheegeysa in heshiiska goolhayihii hore ee Reds lagu dhawaaqi doono 1da July, laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in heshiiska la dhameystiray, marka laga reebo caafimaad.

Dusan Vlahovic

Sida laga soo xigtay The Express , weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa raadinaya kooxo dhowr ah oo waa weyn oo Yurub ah, oo ay ku jirto Manchester United.

Weeraryahankii hore ee La Viola Vlahovic ayaa 21- gool oo layaableh ka dhaliyay Serie A xilli ciyaareedkaan, waxana hada kooxda Man United u aragtaa badalka Haaland madama lagu qiimeenayo 51 milyan.

Guud ahaan waa naga intaasi xubinta Maxaa ku soo kordhay Kooxdaada ee Ciyaaro.com kala socotaan maalin kasta qeybta Bari iyo Kooxda Chelsea oo Horyaalka ka gashay kaalinta labaad.

Maxaa ku soo kordhay Suuqa Man City Halkan ka Akhriso Ciyaaro.com

U gaar ah Warbixintan Ciyaaro.com

 

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*