Maxaa ku soo kordhay Wada-hadalka u socda Lingard & Man Utd

Manchester United iyo Jesse Lingard ayaa hadda heshiiskoodu taagan yahay.

Weeraryahanka qibrada leh ee reer England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, ka dib markii uu xagaagii hore amaah ku soo qaatay West Ham United.

Sida laga soo xigtay The Sun , Lingard ayaa iska diiday dalabkii ugu dambeeyay ee United ee ahaa inuu qandaraaska u kordhiyo.

Haddii aysan waxba iska beddelin, 28 jirkaan ayaa xagaaga si xor ah uga tagi doona United, wuxuuna la hadli karaa kooxaha kale laga bilaabo Janaayo.

Lingard ayaa u ciyaaray United kulankii Newcastle United ee Premier League Sabtidii, isagoo dhaliyay goolkii ugu dambeeyay 4-1 ay ku badisay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*