Home Horyaalka Spain Maxaad kala Socotaa Maaliyada labaad ee uu soo bandhigay Leo Messi

Maxaad kala Socotaa Maaliyada labaad ee uu soo bandhigay Leo Messi

0

Leo Messi ayaa shabaqa ka soo taabtay kooxda Osasuna isagoo dabaaldegiisa banaanka soo dhigay maaliyadii Diego Maradona ee kooxdiisii hore ee Newell’s Old Boys.

Halyeeyga Argentina iyo Napoli ayaa geeriyooday Arbacadii isagoo 60 sanno jir ahaa ka dib markii uu wadnuhu istaagay.

Messi ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii bedelay Maradona, isagoo maamuusay macalinkiisii hore kulankii maanta ay Barcelona gurigeeda uga badisay Osasuna.

Blaugrana ayaa 4-0 ku badisay.

Kulamada La Liga ee todobaadkan ayaa muddo daqiiqad ah loo aamusay baroordiiqda geerida halyeeyga Argentina iyo Napoli oo sidoo kale u soo dheelay kooxaha Barcelona iyo Newell’s Old Boys.

Leo Messi ayaa ilin ay ku soo istaagtay mudadii daqiiqada aheyd ee loo aamusay baroodiiqda Maradona.

Xiddiga Barcelona ayaa gool dhaliyay isagoo dabaaldegiisa iska bixiyay maaliyada Barcelona islamarkaana soo bandhigay maaliyada No.10 ee Newell’s Old Boys oo uu hoos ka xirnaa.

Messi iyo Maradona ayaa labaduba waxay u soo dheeleen kooxda reer Argentina ee Newell’s Old Boys.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here