Weeraryahankii hore ee Manchester United Louis Saha ayaa u sheegay tababaraha cusub ee Red Devils Ruben Amorim inuu durba qaladkii ugu horeeyay ka sameeyay Old Trafford.
Manchester United ayaa bilawgii bisha magacawday Amorim, ka dib markii Erik ten Hag la ceyriyay, iyadoo tababaraha reer Portugal uu si ku meel gaar ah ugu sii hayay shaqada Ruud van Nistelrooy.
Halyeyga reer Holland ayaa ka tagay Old Trafford ka dib markii Amorim uu go’aansaday in uusan ku darin shaqaalihiisa tababarka isaga oo doorbiday in shaqaalihiisii Sporting CP keensado
Van Nistelrooy, oo xagaagii uun ku biiray Manchester United, ayaa ku riyaaqay bandhig guuldarro la’aan ah muddadii koobneyd ee uu xilka hayay.
Isagoo la hadlayay BoyleSports, Saha ayaa yiri: “In Ruud van Nistelrooy uu ka tago kooxda waxay aheyd qaladkii ugu horreeyay ee Ruben Amorim.
Wuxuu isbedel ku sameeyay afartii kulan ee ugu dambeysay kooxda, waxay aheyd in lagu qiimeeyo wax qabadkiisii iyo fahamkiisii kooxda.