Home Horyaalka Italy Maxuu ka dhignaa goolka Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyey kooxda Spezia.

Maxuu ka dhignaa goolka Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyey kooxda Spezia.

0

Gooldhaliyaha xulka portugal iyo Juventus Ronaldo ayaa la maleynayey mid  aan la jaan qaadi karin mid kamid ah horyaalka ugu adag shanta horyaal ee ugu sareysa Yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa sii waday inuu kor u qaado kulankii xalay  isagoo shaqada soo taabtay daqiiqadii 89aad  Juventus ayaana ay 3-0 kaga badiyeen Spezia.

Goolka Ronaldo marka laga soo tago waxaa labo gool kala dhaliyeen Alvaro Morata iyo Federico Chiesa iyadoo Juve ay u muuqato mid wili ku tartameysa xilli ay u muuqdeen inay sii wadaan tartanka horyaalka Serie A.

Goolkii xalay ee uu ka dhaliyey kooxda Spezia Ronaldo wuxuu noqday ciyaaryahanka kaliya ee dhaliya ugu yaraan 20 gool mid kasta oo ka mid ah 12kii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay shanta horyaal ee Yurub.

Wareegtadan ayaa bilaabatay 2009-10, xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid, ka dib markii uu dhaliyay kaliya 18 gool intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Manchester United.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay ugu yaraan 25 gool sagaalkii xilli ciyaareed ee uu joogay Madrid, isagoo garaacay 40-gool seddex jeer intii lagu jiray koobkiisii Spain.

Tan iyo markii uu u dhaqaaqay kooxda Juventus, Ronaldo si tartiib tartiib ah ayuu u gaabiyey, madaama uu dhaliyay 52 gool labadii xilli ciyaareed ee ugu horeysay Serie A .

Waxa uu dhaliyay 20-gool markii uu dhammeystiray kulankii Spezia, isagoo dhaliyay 7 kale tartamada kale ilaa iyo haatan ololahan.

Guushii Juventus ayaa ka dhigeysa inay kaalinta seddexaad ka galaan Serie A, iyagoo ka danbeeya kaliya labada koox ee reer Milan oo sanadkaan ku tartamayaan ku guuleysiga horyaalka Talyaaniga.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa wajihi doonta dagaal weyn oo ay ku difaacanayaan horyaalkooda madaama ay haatan kaalinta seddexaad ku jiraan iyagoo leh 49 dhibcood halka Atalanta ay ku jirto kaalinta afaraad kaliya seddex dhibcood ayeey ka hooseeyaan Juventus.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here